|

Ciidamada Badda ee reer Yurub oo markii u horeeysay tacshiirad isweydaarsaday Burcad-badeed

Muqdisho Jan 13,2012(qurbejoog.com)-Ciidamada Badda ee reer Yurub ee hawlgalada ka wada baddaha Soomaaliya ayaa shalay markii u horeysay rasaas ay isweydaarsadeen Burcad-badeeda Soomaalida.

Weerarkan oo ka dhacay goob aan sidaa uga fogeyn xeebta magaalada Muqdisho ayaa yimi ka dib kolkii ciidamadu u gurmadeen markab nooca shidaalka qaada oo ay weerareen burcad Somali ah.

Ciidamada ayaa dhaawacay gacantana ku dhigay ilaa lix burcada ka mid aheyd oo iminka sugaya in maxkamad la geeyo.

Ciidamada reer Yurub ayaa hawgaladoodan bilaabay dhamaadkii sanadii 2008da xiligaa oo ay heerka weerarada burcadu marayeen halkii u sareysay.

Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed