|

Ciidamada Badda ee dalka China oo soo bandhigay hawgalada ay ka wdaan badaha geeska Afrika

Beijing Jan 12, 2012(qurbejoog.com)-Ciidamada Badda ee dalka China ayaa sadexdii sano ee la soo dhaafay waxa ay qaadeen 409 hawgal oo ay ku gelbiyeen 4,411 markab oo isugu jira qaar dalkooda laga leeyahay iyo qaar kaleba.

Ciidamadu waxa ay isu bedeleen 10 cutub oo kala gedisan oo ku qalabetsan 25 markab oo ay saaran yihiin 22 duyuuradood oo nuuca qumatiga u kaca ah,sidoo kale waxa la socday ilaa 8,400 oo askari.

Ciidamada Badda ee dalka China ayaa soo bandhigay in ay sadaxdii sano ee la soo dhaafay ay burcad badeeda Somaalida ka furteen ilaa 40 markab iyo sideed ay ka rideen.

Sida saxaafada uu u sheegay Taliyaha ciidamada Badda ee China Wu Shengli waxa ay ciidamadoodu gelbiyeen tiro maraakiiba oo raashin u siday Soomaalida abaaruhu tabaaleeyeen.

Cidamada dalka China ayaa qeyb ka ah hawlgalada ay dalalka horey u maray ciidamadoodu ka wadaan badaha Soomaalida.

Qurbeoog-Beijing
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed