|

Ciidamada Badda ee Britain oo tabo cusub ku qabqabta Burcada Badaha

Nairobi Dec 03,2011(qurbejoog.com)-Ciidamada Badda ee dalka Britain ayaa dhawaan qabqabtay koox burcad-badeeda oo baacsanayay mid ka mid ah maraakiibta ganacasi ee mara marin biyoodka Hindiya.

Ciidamada ayaa helay codsi kalmo oo ka yimi markabka afduubka qarka u saaraa,waxaaney direen mid ka mid ah duyuuradaha qumaatiga u kaca oo markii arkay burcada.

Burcad ayaa badda ku qubtay hubkii ay siteen si u sheegtaan in ay yihiin kaluumeysato Soomaaliyeed.

Balse ciidamada Britain ayaa doomihii ay wateen Burcada ula tegay Eeyo doomaha ka uriyay walxaha qarxa.

Burcada ayaa iminka loo qaaday dhanka dalka seychelles si halkaa loogu maxkamadeeyo.

Ciidamada ilalada u jooga badaha Soomaaliya ayaa hore waxa aaney u heyn si ay ku cadeeyaan in Soomaalida ay badaha ku qabqabtaan in ay yihiin burcad.

 

Comments are closed