Ciidamada ATMIS oo tiradooda joogta Soomaaliya la dhimayo
Mqdisho June 09, 2023 (QJ) -Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la dhimay tirada ciidamada ATMIS-ka ee ka howlgala dalka, iyadoo xaqiijisay in dowladda ay ka go’an tahay qaadista mas’uuliyadda amniga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ku dhawaad 2,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS-ka laga saari doono Soomaaliya dhamaadka bishan June.
Waxay kaloo sheegeen in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen inay dhistaan ciidamadooda iyagoo taageero ka helaya saaxiibadooda caalamiga ah.
Ciidamadan oo ka kooban 2,000 oo askari oo ATMIS ay tababartay ayaa la wareegi doona mas’uuliyadda amniga marka la gaaro bisha June ee sanadka 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin weyn ka bixisay, waxayna xaqiijisay inay u hoggaansan tahay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku sheegay in si tartiib tartiib ah loo dhimayo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Dawladdu waxay dhistay guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban wakiillo ka socda ATMIS iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si ay u kormeeraan dhaqangelinta dhimista ATMIS.