|

Ciidamada Asluubta ee Somalia oo Maalin Kadib Qaraxii Villa Somalia u dabaal Degay Aasaaskoodii

Muqdisho 22.Feb 2014 (SDN)- Munaasabad lugu maamuusay 44-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka asluubta Soomaaliya ayaa maanta lugu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Xubno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka iyo xukuumadda, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan oo ka hadlay furitaankii xafladda ayaa ku dheeraaday ahmiyadda iyo waxqabadka ciidanka, wuxuuna ka codsaday dowladda dhexe ee dalka in la dayactiro xarumaha ciidanka, si uu u guto waajibaadkiisa.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xiritaankii munaasabadda ayaa tilmaamay baahida loo qabo dardar-galinta howlaha ciidanku u hayo ummadda, wuxuuna xusay inay dowladda ka shaqeyn doonto gudashada waajibka arrintaas uga aaddan.

Saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaka iyo carruurta ciidanka ayuu madaxweynuhu u diray hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta aas-aaska ciidanka asluubta oo ku beegan maanta.

Ciidanka asluubta oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la aas-aasay maanta oo kale sannadkii 1970-kii, waxayna howshiisa ay tahay daryeelka iyo dhaqan-celinta maxaabiista, xannaanaynta agoonta, kobcinta wax soo-saarka beeraha iyo horumarinta dhismaha dalka.

??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed