|

Ciidamada Amniga ee dalka Ugaandha oo shacabka dalkooda feejignaan ugu baaqay

Kampala Dec 26,2011(qurbejoog.com)-Ciidamada Amaanka ee dalka Ugaandha ayaa soo jeediyay in shacabku feejignaado mudada lagu jiro damaashaadyada sanadka dabaayaqadiisa.

Xafladaha Masiixiga iyo kuwa sanadka cusub ayaa iminka si habsami leh dalkaa uga socda.

Ciidamada ayaa shacabka ku booriyay in ay fiiro gaadha u yeeshaan alaabada aaney cidi la joogin sida shandadaha,gawaadhida iyo dadka u muuqda in ay damacsan yihiin in ay wax kharbudaan.

Hadalka ka soo yeedhay ciidamada Amniga ee dalka Ugaandha ayaa ku soo beegmay xili ay cagajugleyn uga timi Ugaandha kooxda Al Shabaab.

Shabaabka ayaa hore weeraro dad ku dhinteen ugu qaaday dalka Ugaandha.

 

Qurbejoog-Kampala

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed