Ciidamada Ammaanka Uganda Oo Xabsiga Dhigay Nin Afar Sano Kusoo Qaatay Jeelka Guantanamo Iyo Sababaha Qabashadiisa
Kampala:April,09,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Dalka Uganda, ayaa gacanta ku dhigay Nin lagu magacaabo Jamal Kiyemba oo Muddo dheer kusoo qaatay Xabsiga Guantanamo ee Lagu xidho Maxaabiista Arrimaha Argagixisada lalal xidhiidhiyo.
Sababta Xadhiga Ninkan, ayaa lagu sheegay shaki laga qabo inuu lug ku lahaa Dil dhawaan Magaalada Kampalal loogu geystay Dacwad Ooge lagu magacaabi jirey Joan Kagezi.
Jamal Kiyemba oo sanadkii 2002-dii lagu qabtay dalka Pakistan, ayaa muddo afar sano ah waxa uu ku xidhnaa xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba.
Jamal Kiyemba oo hore u heystay dhalashada dalka Britain, ayaa sanadkii 2006-dii laga sii daayay xabsiga Guantanamo Bay, iyadoo aan wax xukun ah lagu qaadin.
Hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidamada Uganda, oo garab ka helaaya Saraakiil Mareykanka u dhashay, ayaa lagu soo qab qabtay tiro kale oo looga shakisan yahay dilka Joan Kagezi.
Joan Kagezi, ayaa 30-kii bishii hore ee Marso lagu toogtay Badhtamaha Magaalada Kampala, waxaana dilkeeda fuliyay laba nin oo hubka fud fudud ku hubeysnaa.
Warbaahinta Uganda, ayaa qortay in dilka haweeneydaasi loo soo xidh xidhay 16 nin, isla-markaana waxaa wax laga weydiinaya waxa ay ka ogyihiin dilkeeda.
SDN/QJ