Ciidamada ammaanka oo xabsiga u taxaabay Badhasaabka Gobolka M/roodi-jeex iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta
Hargeysa, 10, Mar (SDN)- Masuuliyiin ay ka mid yihii Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo xubin ka tirsan hawlwadeennada Madaxtooyada ayaa lagu xidhay xarunta demibi-baadhista ee magaalada Hargeysa.
Xadhiga masuuliyiintan ayaa wararku sheegayaan inay la xidhiidho raashin loogu talogalay dad danyar ah oo maalmihii dambeeyay la hadal hayay in masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay lunsadeen, raashinkaas oo laga iibiyay dad shacab ah, isla markaana lagu arkay suuqa.
Masuuliyiinta ay arrintani khusayso ayaan ilaa hadda si rasmi uga hadal.
Kala soco Somalidiasporanews.com wixii war ka soop kordha arrintan.
SDN, Hargeisa