Ciidamada Ammaanka Jubaland oo Fashiliyey Qarax Miino
Kismaayo 11,May 2016 (SDN/QJ):- Laamaha amaanka maamulka jubaland ayaa sheegay in ay Shalay galab fashiliyeen Qarax la doonayey in lagu bartil maaysado goob ay joogeen dad badan oo shacab ah.
Goobta lagu fashiliyay qaraxan ayaa loo yaqaan Kuumadaha oo horay u aheyd Warshadii Galeyda ee Magaalada Kismaayo.
Ciidamada maamulka jubaland ayaa sheegay marka ay heleen xogta ah in qarax miino lagaliyey goob ay dadka ku badan yihiin ay durbadiiba goobtaasi gaareen ciidamada amaanka is lamarkiiba gacabta ku dhigay miinadii lagaliyay goobtaasi.
Jubaland ayaa horay u sheegay inay wadaan dadaalo lagu xoojinayo amaanka deeganada jubaland ay ka aramiyaan.