|

Ciidamada AMISOM Oo Wasiir Maamulka Muqdisho Ka Tirsan Bah-Dilay Iyo Dheg-Xumada Ka Raacday Maamulka Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 14. April 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda ay dhoobdhoobeen beesha caalamku ee ka talisa Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye ayaa waxa shalay lama filaan ku noqotay dadka degan magaaladaasi sida ay xukuumaddaasi mar walba u tahay mid aan awood lahayn oo ay gacanta ku hayaan ciidamada afrikaanka ah ee AMISOM waxaana shalay lala yaabay dhacdo waji gabax ku ah maamulkaasi kadib markii Madaarka Muqdisho loo diiday haweenay ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda Farmaajo.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowladda Muqdisho Drs. Maryan Qaasim ayaa shalay loo diiday inay gudaha u gasho Garoonka Aadan Cadde.

Drs. Maryan Qaasim ayaa halkaas u tagtay ka qeyb galka Kulan ay kula ballansaneyd Madaxda Xafiiska EU-da ee Arrimaha Somalia. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah Ilaaladda AMISOM ee ku sugnaa Albaabka Madiina Gate ayaa si badheedh ah waxay ugu diideen Wasiir Maryan inay ka gudubto Albaabka, iyagoo ku doodaya inaan lagu soo wargelinin fasax ay ugu oggolaadaan inay u gudubto Qeybta ay deggan yihiin Ergadda Midowga Yurub.

Wasiirraddaasi ayaa la sheegay inay aad uga cadhootay hab-dhaqanka Ilaaladda AMISOM iyo is’hortaagga ay ku sameeyeen. Drs. Maryan Qaasim ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal labo qeyb ahaa oo ay ku xustay gefka aan garowshiyadda lahayn ee Askarta AMISOM ugu diideen inay u gudubto gudaha Garoonka Aadan Cadde. “Waxaan ku hoos shaqeynaynaa xaallad adag gudaha Somalia, laakiin wax cuddur-daar ah ma laha dabeecadaha aan maanta ku arkay Askarta AMISOM” ayey Drs. Maryan ku qortay barteeda Twitter-ka. Taliska AMISOM ayaan wax raalli-gelin ka bixinin maamuus la’aantaasi ay ku sameeyeen haweenaydan wasiirka ah ee maamulka Muqdisho ka tirsam balse taasi oo muujinaysa meeqaamka iyo wajiga dhabta ah ee maamulkaasi ay ciidamada Afrikaanka ahi ka qabaan iyo sida aanay ugu cuslayanba.

Sidoo kale, Xafiiska Ergadda EU-da ee Somalia ayaan weli war ka soo saarin Tallaabadda ay Askarta AMISOM ku hor-joogsadeen haweenaydan oo la balansaneyd Madaxda EU-da xafiiskooda Somalia sida ay haweenaydaasi sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda fadhigeedu yahay Villa Somalia ayaa sidii loogu soo dhisay dalalka jaarka ah ee ay u kala dambeeyeen Cabdiqaasim, Cabdilaahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo kan hadda jooga ee Farmaajo ayaa ah xukuumad amqaar saar ah oo aan wax meeqaam ah ku lahayn inkasta oo ay sheegato federal maamula wixii la isku odhan jjiray Soomaaliya haddana saraakiisha ciidamada Afrika iyo xubnaha beesha caalamka ee lacagaha siiya ayaa u muuqda kuwa dhabta ah ee dalkaasi gacanta ku haya.

Comments are closed