|

Ciidamada Amisom Oo Ka Hadlay dagaalkii Dhexmaray Beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

axxxxxxMuqdisho:30-july-2013 (SDN)  iyada oo  qaraxyada iyo dilalka qorsheysani ay kusii badanayan magaalada Muqdisho deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoosana dhawaan uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare  kala duwan sababay, ayaa  waxa arrintaa markiii ugu horraysay ka hadlay  taliska AMISOM ee Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cornel: Cali Aadan Xumad, ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dabeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ee ku salaysnaa qabiilka waxaana ugu horeyn tacsi uu u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi.

Af-hayeenku waxa uu sheegay inay AMISOM qeyb weyn ay ka qadatay sidii Beelahaas loo kala dhex dhigi lahaa xabbad joojin isla markaana loo wada heshiisiin lahaa , waxaana uu sheegay in ay AMISOM u suuro gashay inay si buuxdo ula wareegto ammaanka goobihii ay ku wada dagaalameen.

Cornel-ka ayaa soo hadal qaaday qarax dhawaan lagula eegtay magalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo tilamaamay inuusan jirin khasaare kasoo gaadhay qaraxaas , waxaana uu tilmaamay in qaraxyada nuucaasi ah ay Amisom mar hor ka taxdartay.

Ugu dambeyn waxa uu Af-hayeenku ka ahdlay ammaanka Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaana uu tiilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax badan  ka badalo doonaan isagoo tilmaamay in ammaan ay Muqdisho hesho ay ku xidhan tahay shacabka oo ciidamada la shaqeeya.

Dhawaan degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal salka ku haya qabiil ,  balse xaaladda Deegaanadii Dagaalku ka dhacay ayaa haatan Degen.

 

Somalidisporanews.com

Mugdisho/Somalia.

Comments are closed