Ciidamada AMISOM oo Iskaga Baxay Deegaanka Fiidow iyo Xarakada Al-shabaab Oo La Wareegtay
Fiidow,13Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay saaka aroortii hore iskaga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanka Fiidoow waxaana durbadiiba gacan ku haynta deegaanka sheegtay Ciidamada Xarakada Al Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada DF-ka ay xalay fiidkii iskaga baxeen deegaanka.
Deegaanka Fiidow ayaa ah goob muhiim ah kaasi oo kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.