|

Ciidamada AMISOM Oo Ilaalo Ka Haya Diyaaraddii Xalay Ku Dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho – Sawirro.

Muqdisho,13Oct,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka hawlgala Somalia ayaa ilaallo xooggan ka haya diyaaradii xalay sida lama filaanka ahayd ugu dhacday deegaanka Carbiska oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Diyaarada ayaa waxaa burbur xooggan uu kasoo gaadhay qaybta hoose iyo weliba baalasha diyaaradda, iyadoo ciidanka AMISOM ay ku sugan yihiin halka ay ku dhacday diyaaradda oo ah dhul beereed.

Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayaa kala dagay raashinkii ay diyaaddu u waday, iyadoo diyaaraddaan ay u dhacday sababo la xidhiidha shidaal la’aan, waxaana weli ay diyaaraddu taallaa halkii ay ku dhacday.

Dhanka kale, diyaarada ayaan waxaan u dhawaan karin shacabka, iyadoo ay ka celinayaan ciidamada AMISOM dadweynaha inay u gudbaan halka ay diyaaraddu ku dhacday oo ku dhow saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

 

Taliska MISOM ayaan weli wax war ah kasoo saarin diyaaraddan raashinka u sidday ee ku dhacday agagaarka degmada Afgooye, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin diyaaraddan dhacday.

Geesta kale ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in diyaaraddani ay siday Hub iyo saanad millatari iyadoo u siday Ciidanka AMISOM.

Ugu dambeyntii, diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus 300 oo kasoo duushay dalka Masar ayaa laga badbaadiyay lixdii shaqaalaha ahaa ee la socday, waxaana saaka loosoo qaaday magaalada Muqdisho, balse lama oga halka loo gudbin doono.

 

 

 

Comments are closed