Ciidamada AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Deegaanka Golweyn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Faahfaahin Kasoo Baxaysa
Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Konlonyo katirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM shalay qarax aan wali nuuciisa la xaqijin lagula eegtay deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxu u ahaa mid aad xoogan , waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in qaraxu ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso halka warar kalana sheegayaan in uu qaraxu ahaa Ismiidaamin.
Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa durba rasaas furay waxa ayna howlgalo deg deg ah ka sameeyeen halka lagu qarxiyay ay ku dileen afar qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah oo deegaankaasi ku dhaqnaa.
Sadax kamid ah dadka la dilay ayaa lagu waramay in ay wada saarnaayeen gaari halka ruuxa kalana uu ahaa qof si weyn looga yaqaanay deegaanka Golweyn isana la toogtay , lamana oga qaraxa Ciidamada AMISOM dhankooda qasaaraha kasoo gaaray.
Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Hoose , oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in Ciidamada AMISOM ay dileen dad rayid ah, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ay rasaas ku fureen rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ayna sadax ruux ka dileen.
Ciidamada AMISOM ayaa marar badan dad shacab ah waxa ay ku laayeen degmooyin iyo deegaano ay ka howlgalaan , iyagoona xiliyadaasi ka careesan qaraxyo ama weeraro kaga yimaada dagaalyahanada hubeesan ee Al-Shabaab.