Ciidamada Amaanka Kiinya oo qabtay Gaari kuwa Xamuulka oo walxaha Qarxa laga Buuxiyay
Wajer June 22,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kiinya ee ka hawlgala Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kiinya ayaa qabtay Gawaari kuwa Xamuulka ah oo walxaha qarxa laga buuxiyay.
Booliska ayaa gaariga ku qabtay goob baaritaan ay ku sameeynayeen oo ku taal mid ka mida wadooyinka magaalada Wajer.
Gaariga ayaa walxaha qarxa ee uu siday ka soo qaaday magaalo xeebeedka Mombasa sida uu sheegay Guddoomiyaha degmeda Wajer Naftali Mungathia.
Xamuulka walxan qarxa ee uu siday gaarigan ayaa waxa lagu qiyaasay culeyskooda ilaa 27 ton oo ka kooban noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.
Boolisku waxa ay sheegeen in Gaariga iyo xamuulka uu sidayba ay ku wejahnaayeen dalka Soomaaliya.
Booliska Wajer ayaa sidoo kale dhawaan xabaalaha degmadaasi waxa ay ka soo qodeen hub halkaa cida ku aastay aan la garaneyn.
SDN-Wadjer
contact@somalidiasporanews.com