Ciidamada Amaanka ee Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigey Nin Dilka Ka Geystay Deegaanka Gunbur-Libaax ee Gobolka Togdheer Iyo Gudoomiye Ramaax oo ka Hadlay Afar Dil oo Gobolkaas ka Dhacay DAAWO
Burco 30. June 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan ayaa ka hadlay dil ka dhacay deegaanka Gunbur-libaax waxaanu sheegay in ninkii dilkaasi geystay ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku .
“ Afar dil ayaa ka dhacay gobolka Togdheer, kan ugu danbeeyay oo ka dhacay deegaanka Gunbur-libaax ciidamada amaanka oo kaashanaya odayaasha iyo dadka deegaanka ayaa gacanta ku soo dhigay xaaladuna waa ay degan tahay, waxaana deegaanka Gunbur-libaax ka dhacay dil fool xun hawshaasi oo culeys weyn laheyd, oo dadna lagu afduubey waananu ku guuleysaney, waxaaso dhamina waxaa ay ka bilaabmeen sandaqad meel laga dhisay”