|

Ciidamda Burundi oo ka baxaya Soomalaiya iyo sababta

Muqdisho (QJ) – Dowladda Burundi ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in ay isaga baxday howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib markii ay ku qanci weyday tirada ciidamada loo qoondeeyay.

Burundi ayaa go’aankeeda u gudbisay Guddoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaasoo ay hadda guddoomiye u tahay Jabuuti.

Burundi ayaa dalbatay 2,000 oo askari oo dheeri ah oo loogu talagalay howlgalka cusub, halka Soomaaliya ay u qoondeysay 1,000 askari, taasoo keentay in Burundi ay go’aansato.

Go’aankan Burundi ayaa saameyn ku yeelan kara diyaarinta howlgalka AUSSOM si uu u guto waajibaadkiisa. Burundi ayaa hadda ka mid ah dalalka hormuudka ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Leave a Reply