|

“ Dal Dimuqraadiya Ayaynu Nahay, Siyaasadda Waa La Iskaga Hor Imanayaa Laakiin, Cidna Ka Yeeli Mayno Inay Ku Ciyaarto Xasilloonida Waddanka,”Madaxwayne Siilaanyo.

madaxdaHargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxwyanaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka siyaasiga ah ee ka jira xisbiga Kulmiye,isagoo bulshada ugu baaqay inay amaanka ilaaliyaan.

“Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta kasoo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22aad ee aas-aaska  Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano.Waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heerkastuu yahay Dadka hadii aan la kala celin oo la ilaalin oo shariciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax badan baa laysku qabsanayaa wax badan baa inaga fakanaya”ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo

Waxaanu sheegay in Somaliland tahay dalka dimuqraadi ah isla markaana siyaasada la iskaga hor iman karo.

“Dal Dimuqraadi ah baynu nahay dad wada jira baynu nahay Siyaasada waa layskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee”Axmed Siilaanyo.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxa uu fariin  u diray dadka ku loolamaya siyaasada xisbiga Kulmiye,isagoo sheegay inaanay cidna ka yeelay inay wax yeelo u gaystaan nabad galyada dalka

” Markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanaya waa layska hor imanayaa laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu  haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku cayaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay”Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo khubad ka jeediyay xuska maalinta ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in aan cidna laga aqbalayn inay nabad galyada carqaladeeyaan.

Comments are closed