|

‘’Cidii Muuse Biixi Ku odhan lahayd Waad dhacday aynu aragno Iminka ayaa la Odhan kari la’yahay Xeerkaas ayaad Jebisee Hadhow yaa Ku odhanaya Waad Dhacday’’ Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 10. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si adag uga Digay Ololaha Sharciga baalmarsan ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka wado Gobolada dalka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse C.laahi oo maanta warfidiyeenada la hadlayay ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye isagoo ka faa’iidaysanaya Dhaqaalihii ummada laga soo uruuriyey Isla markaana isticimaalaya gaadiidka dawlada uu Olole Siyaasadeed ka soo bilaabay Gobolada galbeedka dalka iyadoo sida uu sheegay uu maantana u gudbay deegaano ku teedsan bariga magaaladda hargaysa.

Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Ucid Waxa uu xusay in ilaa hada aanu Xisbiga Kulmiye u hogaansamin awaamiirtii Komiishanka Doorashooyinka qaranka iyadoo ay la shaqaynayaan Ciidamada kala duwan ee Somaliland waxaanu sheegay in Komiishanku ilaa hada ay garan la’ yihiin go’aan ay ka qaataan Xisbiga Kulmiye Maadaama ciidankii fulin la’haa go’aamadoodu ay la shaqaynayaan Xisbiga  Kulmiye.

Dhanka Kale Xoghaye Yuusuf Kayse C.laahi Waxa uu Sheegay in aan la hayn Cidii ku odhan lahayd Gudoomiye Muuse Biixi Waad ku dhacday doorashada Madaxtooyada maadaama haatan la odhan kari la’ yahay waxaad Jebisay Xeerkii aad saxeexday.

Comments are closed