Ciddii Fududaysay Weerarkii Xalay ee Villa Somalia Oo Warar Dheeraad ah Laga Helay
Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Warar aan si rasmi ah loo wada Xaqiijin oo ku saabsan cidda Habeenkii Xalay Kooxda Al-shabaab u fududaysay inay galaan Gudaha Hore ee Aqalka Madaxtooyada, ayaa ka soo baxaya Saraakiil Dawladda ka Tirsan.
Wararkan ayaa la helay markii uu wasiirka Warfaafinta Somalia Mustaf Dhuxulow shaaciyey inay Gacanta ku Hayaan Wadaha Gaadhigii Kooxdan Qaraxyada Geysatay Gudaha Madaxtooyada Geliyey, kaas oo la sheegayo inuu Noqday nin aan laga Filaynin inuu ku dhiirrada abaabulka Weerar Noocaas oo kale ah.
Warar laga Helayo Saraakiisha Madaxtooyada, ayaa sheegaya in ninka la qabtay lagu magacaabo Xasan Muxudiin oo lagu naaneyso Bistoolad Weyne, kaasoo laga arkay kamirada ku xidhan Madaxtooyada, isagoo gaadhiga u kaxeynaaya raggii weerarka fuliyay.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Imaamka Masaajidka Madaxtooyada ku dhex yaala ee Shuhadaa uu dhalay ninka dhalinyarada ah ee gacanta lagu hayo, kaas oo marka uu doono soo geli jirey Xarunta maadaama uu aabihii ka tirsanaa Shaqaalaha Madaxtooyada.
Geesta kale Gaadhiga falkan lagu fuliyay ayaa Wararku sheegeen inay ku dhegsanayd Calaamad weyn oo lagu garto shirkad gaar ah oo ka dhex shaqaysa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia inkastoo laamaha amaanku ka gaabsadeen sii sharixida shirkadan kuna afgobaadsadeen in aanay baadhista ka hor dhacayn.
Wax muran ahi kuma jiro in kooxdii xalay gudaha Madaxtooyada Gashay ay Garab ka heleen Shaqaalaha Madaxtooyada, waxana Haatan arrintu u muuqataa inay jiri doonaan Rag badan oo waxyaabo u qarsoonaa Dibadda iman doonaan, maadaama xubinn ragas ka mid ah la Hayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com