Cidda Jabsatay Boggii Twitterka ay Ku Lahaayeen Militeriga Kenya Oo La Ogaaday
Nairobi:July,22,2014(SDN/QJ)-Boggii uu Intentetka ku lahaa Militeriga dalka Kenya, ayaa la shaaciyey in la jabsaday, iyadoo arrintaasna loo malaynayo inay ka dambeeyaan Kooxaha xagjirrada ah ee Waddanka Somalia ka Dagaalmaa.
Kooxaha jabsaday Twitterkaasi ayaa la tuhunsan yahay inay yihiin koox gaacansaar la leh Alshabaab, waxayna Kooxdaasi ku qoreen hadallo la xidhiidha Hawlgalka Ciiddanka Kenya ee Somalia, waxaana odhaahyadda lagu qoray ka mid ahaa: iyadoo ay Kenya ka jirto saboolnimo baahsan ayaa waxaad lacagtiina ku khasaarinaysaan qoryaha.
Twitterka Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya ayaa waxa uu inta badan soo dhigi jirey Warar iyo Muqaallo ku saabsan Hawlgalka Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Somalia iyo guulaha ay ka gaadhaan dagaalladda ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.
Dhinaca kale, Kooxda Budhcadda Internetka waxay kaloo jabsadeen, inkastoo markii dambe dib loo soo celiyey Cinwaanka ay Hay’adda Deegaanka Qaranka Kenya (Netfund) oo iyadu hoos tagta Wasaaradda Deegaanka ee Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab wax hadal ah kama soo saarin inay ka dambeeyeen falka lagu jabsatay Cinwaanka Afhayeenka Milliteriga Kenya ku leeyahay barta Twitterka, mana jirto koox sheegatay falkaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com