|

‘’Cidagale iyo Habar-yoonis Intay Iska Dileen Dhulbahante Intuu Soo Jiray Iskama Dilin..’’ Cali Khaliif Gallaydh

Nairobi,24Nov,2015(QJ/SDN)- Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhawaan munaasibad uu Nairobi kaga qayb galay wuxuu ka jeediyay khudbad muujinaysa  tawaawac iyo tamar darrada qorshihiisa siyaasadeed oo uu hadda u bedelay mid qabyaaladaysan oo uu ku doonayo inuu midnimo iyo taageero ka raadsado beelaha Sanaag bari iyo Sool.

Cali Khaliif oo aqoon yahannimo lagu tuhmayay sidoo kalena siyaasadda ka gaadhay Ra’isal wasaare ayaa hadda u muuqda mid ku jaahwareeray aragti gaaban oo aan ka soconayn, sidoo kalena mixnad iyo qabyaalad ku wajahan bulshooyinka la dariska ah beeshiisa uu miciinsaday.

‘’Shan iyo labaatankii sanno ee ugu danbeeyay dadka Somaliland jooga beeshaa isaaq la yidhaahdaa inta ay iska dishay, kacaankan ay yidhaahdaan wuu na xasuuqay iskama ay dilin, waxa magaalada Burco berbera iyo Hargeysa ay is yeeleen kacaankii ma yeellin, waxa Cidagale iyo Habaryoonis intay iska dileen intay soo jireen (Dhulbahante) Taariikhdooda iskamay dilin..’’Ayuu yidhi Prof. Gallaydh

Ugu Danbeyntii, Hadalkan Prof Gallaydh ayaa kusoo beegmaya xilli uu dibedd wareegyahay, isagoo isku magacaaba in uu yahay Madaxweynahaa Maamulka Khaatumo.balse taasi dadka  deegaanku ay ku marag fureen.

Halkan Guji si aad u akhrisato warbixin shalay lagu daabacay Qurbejoog.Com

Comments are closed