“Cid Aan Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI Uga Tanaasulayaa Ma Jirto..” Guddoomiye ku-xigeenka WADDANI
Boorama 26.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo Shir-jaraa’id Shalay ku qabtay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in aanu jirin qof isaga uga xaq leh inuu noqdo Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbigaas.
Axmed Muumin Seed oo Maalmihii u dambeeyay Warbaahinta qaarkeed baahinayeen in loo soo jeediyay inuu Cid kale uga tanaasulo Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga, ayaa sheegay in aanay jirin Cid isaga uga xaq leh oo uu uga tanaasulo, “Waxaan Shacabka Somaliland u caddeynayaa wax Khilaaf ah oo aniga iyo Guddoomiyaha noo dhexeeyaa ma jiro. Xisbiga WADDANI Cid iiga Xaq leh, Cid ku leh Tacabkaan Xisbiga ku leeyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Maaddaama oo Shirkii Golaha dhexe ee Musharraxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka lagu dooranayey soo dhowyahay wararku way iska badan doonaan, laakiin waxaan taageerayaashayda u sheegaa Cid iiga xaq leh Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka in aanay jirin, cid ila Tacab ahina aanay jirin, inaan ahay Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Xisbiga, inaan ahay Aasaasihii Xisbiga WADDANI, markaa Taageerayaashayda waxaan ugu baaqayaa inaan mar walba u taaganahay Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Xafladdeediina dhawaan baan qabanayaa, Cid aan Maanta Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI uga tanaasulayo oo iiga xaq lihi ma jirto. Cid Tanaasul soo hadal qaadeyna ma jirto.”