China oo xanabaadyadii u foosha xumaa ku soo rogtay Muslimiinta dalkooda ku nool
Karamay Aug 07,2014 (SDN/QJ)-Dawlada dalka China ayaa xanibaadyo la yaab leh ku soo rogtay Muslimiinta ku nool degaanka Xinjing oo dhawaan lagu qabanayo tartan ciyaareed.
Dawlada China ayaa jariirad afkooda ku hadasha oo la yiraahdo Karamay Daily waxa ay daabacday amar lagu faroyo Muslimiinta ku nool degaanada ciyaaruhu ka dhacayaan in aaney gawaarida dadweynaha la raaci kareyn astaamaha Muslimka.
Dadka Muslimiinta ah Ayaan loo ogoleynin ay raaci kareyn awaarida dadweynaha hadii ay leeyihiin gar dheer ama ay xiran yihiin Khamiis.
Dumarka muslimiinta ah Ayaan loo ogoleyn in ay xirtaan xijaabka iyo cabaayadaha inta ay la socdaan gawaarida dadweynaha.
Muslimiinta laga tirade badan yahay ee dalka China ee Uyghurka loo yaqaano ayaa dagaal diimeed kula jira qowmiyada dalkaa ugu badan ee Han-ka loo yaqaano.
Gooaankan ka soo baxay dawlada hantiwadaaga ah ee China ayaa ah mid si toos ah ula kala safaneysa labada qowmiyadood ee ishaya.
Muslimiinta dalka China ayaa leh koox hubeysan oo dooneysa dawlad Islami ah oo u gaar ah isla markaana dalkaa ka fuliyay hawlgalo hubeysan.
SDN/QJ-Karamay
contact@qurbejoog