China oo taageertay qaraarka Ruushka ee ku aadanaa Xaladda dalka Syria
Nairobi Dec 19, 2011(qurbejoog.com) Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda China ayaa sheegay Maanta oo Isniin ah inay taageereen qoraalka qabyada ah ee ku aadan rabshadaha Syria, kaasi oo ay Golaha ammaanka soo hordhigtay dowladda Ruushka isbuucii la soo dhaafay.
Qoraalkaan cusub ayaa fursad u siin doono 15-ka wadan ee golaha Ammaanka in ay talaabo kama dambeys ah ka qaataan Madaxweynaha dalka Syria Bashar al-Asad oo ay ciidamadiisu isku dayayaan in xakameeyaan dadka dibadbaxayaasha ah ee kasoo horjeeda xukunkiisa, waxaana ay QM sheegtay in 5-kun oo qof ay ku geriyoodeen rabshadiihii mudada 9-ka bil ah ka soconayay dalkaasi.
Golaha ayaa horay ugu kala qeybsamay wax ka qabashada dalka Syria, iyadoo China iyo Ruushka ay ka soo horjeesteen cambaareeyn toos ah oo loo jeediyo Madaxweynaha Dalkaasi Mr Asad.
Syria oo muddo dheer xulafo la ahayd Ruushka, kana heli jirtay agab Milatari ayaa hadda waxa ay u muuqaneeysa mid ku sii dhawaaneeysa wadamda Reer galabeed kuwaasi oo dar dargalinaya cunaqabateen dhameeystiran oo la dul dhigo dalka Syria.
Mas’uuliyiinta dalka Syria ayaa sheegay in dadka ka soo horjeeda dowladda ay dileen kun iyo Boqol Askari oo ka tirsanaa ciidamda Boliska dalkaasi.
Horay ayaa Jaamacadda Carabta waxa ay qarar kama dambeysa ah ka qaadatay dowladda Syria markii ay ka dhaga adeeygtay in dalkeeda loo soo diro baarayaal Caalami ah oo ka socda Jaamacada Carabta.
Qurbejoog-Nairobi