China oo noqotay dalka kelya ee lagu casuumay Tacsida Kim Jong-il
Pyongyang Dec 21,2011(qurbejoog.com)-Waxa dalka Woqooyiga Kuuriya ka socda tacsida geeridii ku timi madaxweynihii dalkaasi Kin Jong-il oo maalinimadii sabtada uu wadnuhu joogsaday.
Warbaahintaa dalkaa ayaa si isdaba jooga looga daawanayay bandhigyada loo sameynayay madaxweynihii hore iyo inanakiisa oo loo caleemo saarayo in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi.
Woqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in aan wufuud caalamka ka timaada aan loo ogolaan doonin in ay aaska iyo tacsidaba ka qeybgalaan.
China oo ah dalka qudha ee Woqooyiga Kuuriya la leh cilaaqaad wanaagsan ayaa wasiirkooda arrimaha dibedu uu booqday Pyongyang.
Dalaka Konfurta Kuuriya,Japan iyo USA ayaa ka walaacsan xilagan kala guurka ah ee ay Woqooyiga Kuuriya iminka gashay.
Waxaana ay dalalakaasi ciidamadooda geliyeen heegan sare.
Warbaahinta Woqooyiga Kuuriya ayaa shaacisay in inanka ugu yar caruurta madaxweynihii hore uu qaban doono xilka madaxtinimo ee dalkaasi.
Mase cada sida xaal noqon doono xilila wareegida xilka ee Kim Jong-un.
Qurbejoog-Pyongyang
contact@somalidiasporanews.com