Chicago Blackhawks oo Ku Guuleysatey Stanley Cup Markii 3-2 Ay Ku Naas Nuujisey Boston Burins.By Jaahuur.
Boston-june-25-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ula qaxaynaa xagaaiyo Mareykanka iyo Chicago Blackhawks oo ku guuleysatey koobka waqooyiga Ameerika caanka ka ah ee Stanley Cup,Markii ay 3-2 ku khaarijisey Boston Burins.
Haddaba ciyaartan oo aad u xiisa badneyd ayaa labadn kooxood isla soo gaadheen kulankii lixaad (Game-6) oo aalaba kooxdii badisa afar jeer ku guuleysato ama ay isla gaadhaan kulanka todobaad (Game-7) oo lagu kala baxo,xaleyna Chicago Balackhawks ay aa ku qaadatey kulankii lixaad (Game-6).
Boston Burins oo habka fisikilka ayaa xalay waxba u tarin,waayo waxaa lala ciyaarey hakaa ay ku ciyaarayeen waana laga fududaa kubadana looga dheereynayey,bacdamaa Burins da’du soo galeyso sida Jaara,yaagar iyo qaar kale oo badan,halka Blackhawks 25-tan kawada yaryahiin.
Asxaabtay mucjisadii xalay ka dhacdey garoonkii weynaa ee Boston waxay ahayd qeybtii hore ee ciyaarta Frist Period waxaa la isla dhaafi waayey 1-1,tii labaad (Second Period) Boston ayaa ku hogaamineysey 2-1,tii sadexaad (Third Period) waxay ,haddaba saaxiibayaal taageerayaashii reer Boston iyo dadweynhii Aduunka dacaladiisa ka daawaneyey waxaa layaab ku noqotey 17-an ilbidhiqsi iney Chicago ku dhaliso 2-ba gool ciyaartuna ka hadhsaneyd 58-ilbidhiqsi,kuna guuleysatey Stanley Cup.
Halyeydii reer Chicago Blackhawks waxaa ka mid ahaa goolhayaha Craw Ford,Kabtanka Jonathon Toews,Hossa iyo Patrick Kean oo lagu abaal mariyey MVP.
W/Qorey Jaahuur
qurbejoognews.com