|

Ceerigaabo: Weriyaha Telefishanka Royal 24 ee gobolka Sanaag oo la xidhay iyo sababta keentay

Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka amaanka ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa xabsiga dhigay weriyaha Telefishanka Royal 24 u jooga gobolkaas Mr. Cabdullaahi Xuseen Darwiish.

Weriyaha oo shalay la xidhay, waxa uu ilaa hadda ku jiraa saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo oo ilaa 800 Km dhanka waqooyi/galbeed kaga beegan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Siday suxufiyiinta gobolkaasi u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, ma jirin wax waaran Maxkamaddeed ah oo lagu xidhay weriyaha, waxaana xadhigiisa amray guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Waxa la sheegay in Badhasaabka gobolkaasi ka cadhooday war uu habeen hore Telefishanku baahiyay oo weriyuhu ka diyaariyay qaybinta raashin mucaawimo ah oo ka yimi urur samofal oo fadhigiisu yahay dalka Sucuudiga.

Sanadkan bilawga ah oo keliya, ilaa afartan weriye oo ka hawlgala hay’addaha warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland, ayaa lagu xidhay magaalooyinka Hargeysa, Laascaanood, Boorama iyo Ceerigaabo, iyadoo suxufiyiina lagu garaacay Hargeysa, Burco iyo goobo kale.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed