|

Ceerigaabo: Kulan Wasiirka Beeruhu la yeeshay maamulka gobolka Sanaag iyo Beeralayda

Ceerigaabo 4, August 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyay kormeer hawleed ku maraya gobolada bari ee dalka, ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka iyo beeralayda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wasiirka Wasaarada Beeruhu waxa uu xusay in socdaalkoodu uu la xidhiidho sidii beeralayda gobolada dalka ay ugu baraarujin lahaayeen,inay bixiyaan wixii cashuur dawladeed ah ee ku waajibay.

Prof. Faarax Cilmi Geedoole waxa uu tilmaamay in aanu dalna horumar gaadhi Karin hadii aanay dadkiisu bixin cashuuraha laga rabo waxaanu ka dalbaday beeralayda gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan gobolada Somaliland inay guntiga u xidhaan sidii ay u bixin lahaayeen wixii cashuur ah ee xukuumada dhexe ku leedahay.

Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa dhiniciisa ka sheegay inay maamul ahaan diyaar u yihiin sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen ololaha ay ku hawlan tahay wasaarada beeraha ee ku wajahan bixinta cashuuraha beeraha.

Qaar ka mid ah beeralaydii kulankaasi ka qayb gashay ayaa dhinacooda ka cadeeyay inay diyaar u yihiin bixinta wixii cashuur ku baaqatay.

Comments are closed