|

Ceelna uma Qodna Cidna uma Maqna Deegaanada Hawd iyo Salaxley

Abaar

Sida aynu wada ognahay Somaliland waxaa ka jirta abaar aad u ba”an taas oo ka jirta dhamaan deegaanada Somaliland barri,waqooyi,koonfur iyo galbeed.

haddaba waxaa ka jira abaar  deeganada hawadka Somaliland sida:-baligubadle,salaxley iyo dhamaan tuulooyinka ku teedsan xadka koonfureed ee aynu la wadaagno dawlada itoobiya.

Deeganadani waxay Somaliland kala simanyihiin abaarta dalka ka jirta waxay warbaahintu soo tabinayeen Xoolaha oo dhimanayaa iyo dadka ay ka muuqato diif aad u darani  taas oo u baahan in si degdega ah loogu gurmado .

Waxaynu markhaati ka nahay in deegaanada abaartu ka jirto la gaadhsiyey mucaawinooyin kala duwan badankooda  sida : galbeedka .

Waxaa jirta in  ilaa hadda in ay dawlada somaliland gaadhsiin deegaanadaas wax kaalmo ah.

Waxaa u mahad celinayaa   Guddiga Sahan Barwaaqo Oo maalintii shalay u baxay safar qiimayn ah oo ay ku tageen degmooyinka salaxley iyo sabowanaag,kaas oo aan filayo in maalmaha soo socda gurmada soo gaadhsiiyaan.

Waxa iswaydiin mudan dawladu yey ku halaynaysaa deegaanadan?

Guntii iyo gabagabadii Waxaan ka codsanayaa dawlada Somaliland iyo guddiga abaarahaba in dadkan wax lala soo gaadho waayo waa xiligii ugu baahi badanaayeen oo ay u baahanyihiin gargaar iyo waxtarba xisbiyada,ganacsatada iyo cidii kale ee dar ilaahay waxa u bixinaysaa waa inay dadkan caawimo la soo gaadhan iyadoo deeganadu is dhaamaan oo deeganadan hawadka  aad moodo in la ilaabay dawlad iyo shicibba.

Illahay Waxaan ka baryayaa in dadkan u abaaraha kasoo furto iyadoo gacan illahay uun lagu baahi-bixi karo.

Maxamed Cabdilaahi

Madadaal222@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed