Ceel Biyood laga Hirgalinayo Magaalada Ceel Afweyn oo ay ku deeqeen Dawlada Kuwayt
Ceel afweyn 01.Feb 2014 (SDN)- Shirkadda Somaliland Trading oo muddoyinkanba qodista ceel biyood ka waday degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka sanaag ayaa sheegay in ay soo gebagebeeyeen hawshaasi.
Mashruucan ceel biyoodka lagu qodayay oo ay maalglisay ama ku deeqday dawladda Kuwayt ayay sheegtay shirkadda Somaliland Trading in ay ku guulasyteen in ay biyo ka soo saaraan labadan ceel.
Enjineer Aadan Cashuur oo ka mid ah hawl wadeenadda shirkadda Somaliland Trading Co. ee hirgalsay ceelashaasi ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay shirkadoodu ugu guulaysatay in ay biyo ka soo saarto deegaanka Ceel-afwayn.
waxaanu yidhi “Ceelkani waa ceel 200km qodan wuxuu ka mid yahay ceelashii shirkada Somaliland Trading Co. ay qoday ee ugu biyaha badan leh saacadii wuxuu soo saari karaa 60mq oo u dhiganta 300 foosto oo aanu marna goosanayn ama hoos uga dhacayn, meeshan ilaa Ingiriiskii ayaa lawaday waa lagu guulaysan waayay markii ugu horeysay ee lagu guulaysto weeyaan”.
Isuduwaha wasaaradda biyaha degmadda Ceel-afwayn Cabdi Jaamac Diiriye oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha laga gaadhay biyo sooraarka degmada, waxaanu tilmaamay in dadwayanaha deegaanka degmada Ceel-afwayn a si weyn uga faa’iidaysan doonaan.
waxaanu isku duwaha wasaaradda biyuhu kala wareegay furayaashii ceelashaasi hay’adii hirgalisay qodista ceelkaasi, waxaana maamuli doonta ceelkaasi wasaaradda biyaha.
Sheekh Ciise oo ah masuul ka socday dowlada Kuwayat ee mashruuca ceelashan hirgalisay ayaa dhankiisa sheegay in ceelashani kamid yihiin 13 ceel oo ay dowlada Kuwayat ugu deeqday Somaliland, waxaanu tilmamay in nasiib uu u yeeshay inuu goob jog u ahaa laba kamida dhamaystirka ceelashaasi oo uu mid kamida noqday ceelka ugu biyo soosaarka badan.
Dadwaynaha degaanka Ceel afwayn ayaa soo dhaweeyay ceelashan biyaha ee degankooda laga qoday “Illaahay ayaa mahad iska leh, maamul iyo dowlad cid kastaba dadkaa nooqoday waanu u mahad celinaynaa, biyihii waan ka cabnay si wanaagsan ayay u socdaan berkadihii iyo riigiiba waa shaqaynayaan biyhuhuna waa wanaagsan yihiin dixi way nagu dhowdahay” sidaas waxa yidhi mid kamida odayada degaanka degaanka Ceel afwayn.
Ceel Afweyn SDN.
Qurbejoog.com