|

Ceel-Afweyn:Heshiis La Dhex Dhigay Beelo Colaaddoodu Raagtay, Deegaanno Ay Wada Yeelanayaan & Cadadka Magaha Loo Kala Xukumay DAAWO

Ceel Af-weyn 06. September 2017 (SDN/QJ):-Waxa Go’aamo laga soo saaray Shaqaaqo Dhowr jeer soo noqnoqotay oo ka dhacday Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, taasi oo u dhexeysay labada Beelood oo Walaalo ah.

Wada-hadallo Nabadeed oo Guddi Golaha Guurtidu u diray halkaasi ay ka dhex wadeen Labada Beelood, ayaa aakhirkii waxa Shalay la shaaciyey Heshiis buuxa oo labada Beelood ka gaadheen Colaaddii u dhaxaysay ee Dhimashada iyo dhaawaca tirada badan sababay.

Shir-jaraa’id oo Guddiga Nabadeynta ee Guurtida ka socday ku qabteen Degmada Ceel Af-weyn isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Dhinacyada ka heshiiyey Colaadda u dhexeysay, ayaa waxa lagaga dhawaaqay Heshiiska laga gaadhay Colaaddaasi, kaasi oo nuxurkiisu yahay in Dadkii labada Dhinaca kaga dhintay Colaaddii dhex martay ay Mag kala qaataan, deegaannadii ay isku haysteenna ay wada yeeshaan oo ay Wada Munaafacaadsadaan.

Heshiiska oo uu halkaa ka akhriyey Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Guddiga Nabadeynta ee Guuridu u dirtay halkaasi ayaa yidhi “Ujeeddo, Heshiiska Labada Beelood ee BAHO iyo IDARAYS, ka dib markii Colaad dhimasho iyo dhaawac iyo burbur keentay ay Muddo sannad ah ka dhex socdeen labada Beelood ee kor ku xusan, ugu dambayn waxa Colaaddii lagu soo Afjaray Heshiis labada Beelood ku gaadheen Magaalada Ceel Af-weyn, Heshiiskaasi oo u dhigan sidan:-.

Fadhiyo labada Beelood wada yeesheen waxa la isla qaatay Nabadgalyo Shuruud la’aan ah oo dhex marta, waxaana la dhaariyey Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Labada Beelood, waxaana lagu hor-dhaariyey Guurtida Somaliland iyo xidhayaasha labada Beelood.

Waxa kale oo Labada Beelood isla qaateen inaan Nabadgalyada si hawl-yar loo jabin.

Waxa labada Beelood isla qaateen in Tuulooyinka Ceelasha iyo Cawska si siman loo wada leeyahay, loogana wada faa’ideysan doono oo aan la kala lahayn, waxaana reebban in Degaanno iyo Tuulooyin cusub la sameeyo, Ciddii doonaysa inay meel degto waa inay ku biirto Tuulooyinkii iyo Magaalooyinkii hore.

Waxa lagu heshiiyey in Magaha Raggii dhintay, in Ninkiiba uu Daraf walba bixiyo 110 Halaad, una qaybsan 80 Halaad oo dhogor ah, 20 Halaad oo Lacag u dhiganta min 3 Boqol oo dollar iyo 10 Halaad oo Adhi loo beddelayo, una dhiganta 100 Neef oo Adhi ah.

Dil-xumadii labada Nin markay Caddaatay waxa lagaga heshiiyey in Ninkiiba laga bixiyo 80 Halaad oo dheeraad ah, una qaybsanta 50 Halaad oo Dhogor ah, 20 Lacag ah kuna qiimaysan   3 Boqol dollar Hashiiba iyo Toban Halaad oo loo beddelayo 100 Adhi ah. Aaskii waxa lagu heshiiyey in Marxuum kasta laga bixiyo Kun dollar, waxaana la bixinayaa isla Maanta (Shalay). Dhaawacyada waxa lagu heshiiyey in markay soo bogsadaan in la isku yimaaddo oo Cid walba waxay yeelato la siiyo.”

Magaha labada Dhinac ayaa la go’aamiyey in lagu bixiyo Muddo u dhaxaysa 4 illaa Lix Bilood, halka Kharashka ku baxay Aaska Dadkii Colaaddaa ku dhintay lagu heshiiyey in isla Shalay la bixiyo.

Comments are closed