|

Caydiid Ilka-xanaf Oo Xilka Laga Qaadayo Iyo Sababaha Xukuumaddu Eryiddiisa Ugu Dhegsan tahay

Muqdisho:Aug,15,2014(SDN/QJ)-Wararka Hoose ee Laga Helayo dhinaca Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamud, ayaa sheegaya in la wado Qorshe xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somalia Caydiid Cabdilaahi Ilka-xanaf oo la sheegayo inuu xumaaday xidhiidhka uu dawladda la leeyahay.

ilka xanafSiyaasiyiinta Dam Jadiid ee Dowladda Hogaanka u haya, ayaa waxay wadaan tallaabadii ugu dambeysay ee daaqada looga saari lahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, iyagoo ka fikiraya ciddii ay ku beddelan lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka ee Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii loo soo magacaabi lahaa shakhsigii bedeli lahaa Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf.

Tallaabadani waxay ka dambeysay markii Wasiirka Garsoorka uu daaqada ka saaray Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse, kuna soo bedelay Axmed Cali Daahir, muddo toddobaad laga jooggo

Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa 24-kii bishii hore ee july waxa uu Golaha Wasiirada uu horgeeyay Axmed Cali Daahir, iyadoona ay cod buuxo ku meelmariyeen, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu isna saxeexay, ka hor intii aanu u amba bixin Magaalada Washington 2-dii bishan.

 

Madaxweynaha, Wasiir Faarax iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulan ku yeeshay Villa Somalia, waxayna ka wada hadleen sidii meesha looga saari lahaa Ilka Xanaf, si loo helo nin iyaga ku dhow.

Wasiir Faarax, ayaa dhabarka ka riixayaa qorshaha dalka loogu samaynayo Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, xilli uu diidan yahay hanaanka uu ku hawlgalo Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanafi, oo uu ku eedeeyay in uu musuqmaasuqaayo kiisaska uu gadhwadeenka ka yahay.

Faarax Sheekh C/qaadir oo kaashanaaya awooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa goor dhow la filayaa in uu soo magacaabo Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, waxaana soo baxaaya warar sheegaaya in uuba diyaarsan yahay ninkaasi.

Ilka Xanaf oo ka cararaaya in uu xil ka qaadis ku sameeyo Wasiir Faarax, ayaa waxa uu toddobaadkii hore uu ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka, wuxuuna carabka ku adkeeyay inaanay Golaha Wasiirada waxba ka bedeli karin, kuna soo kordhin karin Hay’adda Garsoorka.

Dadka bartay Sharciga, ayaa waxay ku sheegayaan inaanay wax wanaagsan ahayn, tallaabada ay Dowladdu qorsheyneyso inay kula wareegto Garsoorka, iyagoona ku sheegaaya in Madaxda Dowladdu, ay u biro tumanayaan Doorashada Madaxtinimada ee sanadka 2016-ka.

Sidoo kale marka aad bulshadu wax ka weydiiso aragtidoodu ku aadan, waxa xiggi kara xil ka qaadista lagu wado in lagu sameeyo Abukaate Ilka Xanafi, ayaa waxay ku sheegayaan in Garsoorkii Somaliya uu si buuxdo ugu gacan gelaayo Dam Jadiid.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed