Cayaartoyda xulka Caruurta Soomaaliya oo Bar-barro la Galay Dhiggooda Dalka Qatar
DOOXA — Cayaartoyda xulka Da’yarta Soomaaliya ee 11-jirada ayaa maanta cayaartoodii saddexaad la yeeshay xulka dhiggooda ee Qatar, iyagoo la galay bar-barro 3-gool iyo 3-gool ah.
Kulankaan oo ahaa mid Xiiso badan ayay labada kooxood waxay kusoo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, iyadoo ugu dambeyn ay kusoo dhamaatay bar-baro, iyadoo Cayaartoyda Soomaaliyeed ay muujiyeen ciyaar-wanaag iyo xarfad aad u heer-sarreysa.
Mid ka mid ah goolasha ay dhaliyeen Xulka da’yarta Soomaaliyeed ayaa waxaa u dhaliyay ciyaaryahan Cabdiraxiim iyo halka labada gool ee kale uu dhaliyay Laacibka, Cismaan Saalax Cabdi. Xulka Dalka Qatar ayaa waxaa Saddexda Gool u dhaliyay Axmed Hishaam oo ahaa Kabtanka kooxda Qatar, iyadoo goolashan laba ka mid ah ay ahaayeen Rigoodhayaal.
Xulka Da’yarta Soomaaliyeed ayaa ka hadhay koobka Jeem ee Waddamada Carabta oo lagu qabtay Sannadkan Dalka Qatar, waxayna horay barbarro min Hal Gool ahaa ula soo galeen xulalka da’yarta Waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, Cayaartoyda da’yarta Soomaaliya ayaa waxay ka socdeen Iskuulka Muqdisho, iyagoo lasoo laabanayo Guul-darro la’aan, isla markaana dhaliyay 5-gool Saddexdii kulan ee ay cayaareen.
Tartankaan oo ka kooban afar wareeg ayaa waxaa Guruub ama koox kasta oo ku jira isku Guruubka laga doonayaa inay kasoo baxdo hal koox, taasoo ka qaybgeli doonta wareegga labaad ee Tartankan.
Ugu dambeyntii, Madaxa xulka da’yarta Soomaaliya metelayay Maxamed Cismaan Naastaro iyo taageerayaasha Xulka Somalia, ayaa waxay sheegeen in ay Cayaartoyda Da’da yare ee Soomaaliyeed ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan.
Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Naastaro siiyay VOASomali