“Cashuurta Waa in la Joojiyaa Mudaharaad aan kala Go’o lahayn waa in la Sameeyaa,Siilaanyo-na Waa Fulay” Mujaahid Ibraahin Dhego weyne DAAWO
Hargaysa 08.May 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Ibraahin C.laahi Xuseen “Dhego weyne” ayaa Weerar adag ku qaaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isagoo Bulshada Somaliland ugu baaqay inay Joojiyaan Bixinta Cashuuraha Iyo samaynta mudaharaad aan kala go’o lahayn.
Mujaahid Dhego weyne ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay fulay isla markaana magaciisa lagu shaqaysanayo.