|

Carwo Ganacsi oo Somaliland ku Cusub oo Maanta Hargaysa lagu Qabtay

Hargaysa 25.Feb 2014 (SDN)- Munaasibad nooceedu ku cusub yahay Somaliland oo lagu soo bandhigayay Ganacsiga Haweenka Hal abuurka ah

ayaa maanta laga furay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Carwadan oo mudo laba cisho ah soconaysa waxaa hal ku dhigeedu yahay “Badhiga Carwada Ganacsiga ee Bisha Halbuurka Haweenka Ganacsatada ah.” waxaa Ganacsigooda ku soo bandhigay 50 haween ah oo ka ganacsada Alaabooyin kala duwan.

Furitaanka Munaasibadaasi waxaa ka qayb galay Wasiir xigeenka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah Bashiir Cabdi Xariir, Wasiir Xigeenka Wasaaradda Shaqada Shugri Xariir, Masuuliyiin ka socday Hay’adda Shaqaalaha Aduunka ee ILO oo soo qaban qaabisay Carwadan iyo masuuliyiin kale.

Safiya Cismaan Taani oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Aduunka ee Qaramada Midoobay, soona qaban qaabisay Carwadan ayaa sharaxaad ka bixisay U jeedada Carwadan. waxay sheegtay in loogu tala galay horumarinta Ganacsiga Dumarka iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhinacyo kala duwan oo ganacsiga ah.

“Carwadani waa shaqo Abuur dumarka aanu u samaynayno, Dumarka oo aanu ku dhiiri galinayno inay jiraan waxyaalaha badan oo ay ka qayb qaadan karaan xaga ganacsiga. waxaa ka soo qayb galay 50 dumara oo haysta Ganacsiyo kala duwan, qaar ka ganacsada Qalabka guryaha, Dumarka dharka Iibiya, Dumarka Cadarada iyo Koofeerada, Dumarka sameeya Keegaga, Dumarka Dawaarka Sameeya, dumarka sameeya Salladaha” ayay tidhi Marwo Safiya.

Masuuliyiinta Xukumadda ee madashaasi ka qayb galay ayaa ku tilmaamay Talaabo horumar ah islamarkaana dhiiri galin u ah Haweenka oo wakhtigan Door muhiim ah kaga jira Ganacsiga Dalka.

carwoo2 carwoo1carwoo2???????????????????????????????

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed