DHEGEYSO Caruurta Xarunta darbi jiifka ee Hargeysa oo ka mudaharaaday Xilka qaadis wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshadu ku sameeyay Luul Xasan Mataan+ luul oo ka hadashay
Hargaysa 23.June (SDN) Ubadka lagu xanaaneeyo Xarunta darbi jiifka ee mustaqbal ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta Mudaharaad cabasho ah ka dhigay Agagaarka xaruntaasi oo ku taalada degmada maxamed mooge ka dib markii sida ay sheegeen wasiirka shaqada iyo Arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Bare Garaad uu xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha Xaruntaasi Maamo Luul Xasan mataan waa kuwan qaar ka mida Caruurtaasi oo ka hadlay Arintaasi
Qaar ka mida Dadka jaarka la ah xaruntaasi iyo waalidiinta Ubadka qaar ayaa iyana halkaasi ka hadlay waxaanay sheegeen inaan cid u dhaanta Agaasinka Xaruntani aanay jirin wasiirkana u soo jeediyay inuu hadimaynta ka daayo Caruurta laga Ururiyay Darbiyada iyo Dooxa Hargeysa
Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadashay Maamo Luul Xasan mataan oo soo bandhigtay warqad Wasiirka Arimaha shaqada Somaliland u soo diray oo uu xilka kaga qaaday islamarkaana uu kaga dalbanayo inay xilka ku wareejiso Agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradiisa. Waxaanay shirkadaha dahabshiil telesom iyo culimo ka qayb qaatay tabarucaadkii lagu dhisay ugu baaqday inay kala cadeeyaan in goobtan caruurta loo dhisay iyo Dawlada la siiyay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Luul.mp3″]