|

Caruurta ugu Caafimaadka badan aduunka oo la shaaciyey iney ku nool yihiin dal Afrikaan ah

Hargaysa 24.Sep 2016 (SDN/QJ):-Saynisyahano reer Australia ah ayaa shaaciyey in dalka Tanzania ay ku nool yihiin carruurta ugu caafimaad badan adduunka oo dhan sida ay ku ogaadeen cilmi baaris ay sameeyeen.

caruurta-caafimaadkaBaadhitaan ayaa lagu sameeyay 1.1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ay u dhaxayso 9 ilaa iyo 17 jir kuwaasoo kala jooga 50 waddan oo caalamka ka tirsan.

Carruurta ka qeyb qaadatay daraasaddan ayaa lagu xujeeyay inay jimicsadaan labaatan mitir si loo qiimeeyo fayo qabka jirkooda.

Grant Tomkinson oo ka mid ah dadkii hogaaminayay cilmi-baareyaasha jaamacadda University of South Australia ayaa sheegay in sababta ay caruurta Tanzania kaalinta hore u galeen ay tahay inay ka jimicsi badan yihiin carruurta ay isku d’ada yihiin.

Carruurta Tanzania ee kaalinta koowaad galay waxaa ku soo xiga carruurta dalalka Iceland, Estonia, Norway iyo Japan.

Dalka Maraykanka oo lagu tiriyo dalalka ugu dhaqaalaha badan caalamka, daryeel wanaagsana laga siiyo caruurta ayaa kaalimaha ugu hooseeya ka galay daraasadan oo muddo dheer socotay.

Dadka badan ayaa la yaabay markii ay maqleen Afrika oo ah halka caruurta ugu bada caalamka ay ugu dhintaan cudurada iyo nafaqo darada in haddana dal ka mid ah uu noqdo wadanka caruurtiisu ay ugu caafimaadka badan yihiin caalamka.

Comments are closed