|

Carabta iyo reer Galbeedka oo isku si uga cadhooday diidmada China iyo Russia in talaabo laga qaado xukuumada Syria

New York Feb 05,2012(qurbejoog.com)-Dawladaha Dalalka China iyo Russia ayaa diidmada qayaxan ku horjoogsaday qaraar ay jaamacada Carabta iyo reer Galbeedku wada jir u qoreen oo ka dalbanayay madaxweynaha Syria in uu xilka wareejiyo.

Dalalka reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ayaa diidmada qaraarka cadho uga jawaabay kuna tilmaamay wax laga xumaado.

Halka dalalka Russia iyo China ayaa dhankooda sheegay in qadhaadhku faro gelinayo arrimaha dal xor ah,isla markaana xukuumada bedelkeedu uu u yaalo shacabka reer Syria.

Dawladahan maanta qaadacay qadhaadhka gollaha amaanka ayaa hore ugu hungoobay aamus ay ka aamuseen qaraar reer galbedka u fasaxayay in ay faro geliyaan arrimaha dalka Libiya.

Dawladaha reer galbeedka ayaa taageero buuxda u muujinaya kacdoonka ku wejahay madaxda dalalka ay ishayaan,halka Russia iyo China ay taageerayaan isla madaxdaasi.

 

Qurbejoog-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed