|

Canshuur bixiyeyaasha Britain oo ka Careysan Kharaashaadkii ku baxay Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee London(DAAWO SAWIRADA HOTELKA)

London May 13,2013(SDN)-Waxa Caro ay ka Kharashaadkii ku baxay Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaanta ku tegay dalka Britain si uu uga qeyb galo Shirkii London Soomaaliya loogu qabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hogaaminayay wefdi ka kooban 5 wasiir iyo 14 kalkaaliyeyaal.

Sida ay daabacday jariirada The Sun oo ka soo baxda Britain  wefdiga madaxweynuhu waxa ay ku degeen Hotelka Park Lane.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hotelka ayaa wefdigu seexday afar habeen,Kharashka ugu yar ee ku bixi kara ayaa lagu qiyaasay in uu yahay £25,440.

Kharashka ku baxay wefdiga madaxweynaha ayaa isna lagu qiyaasay in uu yahay ilaa £24,158,sidoo kale kharashka Gawaarida loo kireeyay ayaa isna lagu sheegay in uu gaari karayo ilaa  £400 maalin walba.

Isu geynta Kharashaadka wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku baxay intii uu London ku sugnaa ayaa lagu qiyaasay £50,000.

Jariida The Sun ayaa dalab ay ku weydiisay wasaarada arrimaha dibedda kharashaadka dhabta ah ee ku baxay wefdigii Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayay ee ka qeybgalay shirkii London ee Soomaaliya loo qabtay ayaan laga soo jawaabin,wasaaradu waxa ay sheegtay in shirku in uu ahaa “Muhiim”.

Soomaaliya ayaa shirkii London loogu qabtay looga yaboohay aduun dhan ilaa $84 million dollars.

SDN-London

contact@somalidiaspornews.com

Comments are closed