|

Canbaarayn ku aadan Xisbiga Wadani sidii uu ula dhaqmay ururka Midnimo

Haddanu nahay bulshada taageerta ururka Midnimo waxaanu canbaaraynayna dhacdadi uu kula kacay ururka xisbiga Wadani ka dib markii uu ka qaaday baabuurkii cumputerkii iyo printerkii ay marka horeba ugu deeqeen ee loogu adeegayey xafiiska ururka midnimo kulaha magaalada burco.

haddaba ururka midnimo shaqadiisu maxay tahay waa urur ka shaqeeya sidii bulshada loo midayn laha oo waxyaabo badan oo tafaraaruf iyo qoqob ku sameeya loola dagaalami laha iyadoo wacyi gelin iyo shirar loo qabto bulshada qaybaheeda kala duwan haddan soo qaato waa ogtihiin oo waxa fara baas inagu haysa bahal qabyaalad la yidhaahdo oo ku baahday bulshada gaar ahaan dhalin yarada ururkani wuxuu hawl badan iyo juhdi badan geliya sidii u arintaa wax uga qaban laha runtiina medho dal baa laga gaadhey.
waxa se dhacday in bishii May badhtamaheedi uu xisbiga Wadani ka dalbaday ururka in uu mudaaharaad lagaga soo horjeedo dowlada ka qayb qaato abaabulkeeda taasna uu ururku arkay mid ka soo horjeeda shaqadii ay hayeen oo looga bartay oo ah midnimo iyo nabad kuwada noolaasho iyo is dhexgal arinkaasi marku ka suuroobi waayey ka dibna ay go’aan ku gaadheen qaar ka mid ah xisbiga Wadani mawada ahe in tabaruci lagu taakuleyay ururka lagala soo noqdo kol haddi uu yoolki xisbiga raaci waayey run ahaanti xubnaha arinkan ku taliyey oo kala ah Hinda Maxamed Jamac oo xoghaya bulshada xisbiga ah iyo C/rasaaq Siciid Ayaanle oo ah xooghayaha golaha barlamaanka isla markaasna ah gacan yaraha godoomiyaha xisbiga Wadani MD Cirro
waxaa se nasiib daro noqotay in guddomiye Cirro uu ku raaco dhacdada taasina ay ka hor imanayso hiigsiga iyo halka uu rabo inuu gaadho oo ah halka u saraysa talada dalka.
ugu dambeyn waxaan faraya cidkasta oo siyaasada dalkeenan curdinka ah ku beretamaysa inaysan isku dayin inay siyaasad ka dhex dayaan ururada bulshada raydika ah iyo ardayda Jaamacadaha ee ujeedadoodu tahay keli sidii dadka reer Somaliland ay umadaha aduunka wax ula qaybsan lahaaheen anigu taagere xisbi ma ihi laakin ciddi waxtar kuleh umada waan soo bandhigayna cidi dibandaabyo ku haysana waan soo bandhigaya.
WABILAAHI TAWFIQ,
WACAYS CALI WARSAME

Comments are closed