|

Canada oo shuruuc ka soo saartay Huga haweenka Muslimka ah

Ottawa Dec 12,2011(qurbejoog.com)-Wasiirka Soogelootiga ee dalka Canada ayaa maanta soo saaray goaan lagu mamnuucayo haweenka Muslimka ah ee qaata huga asturaada ah xiliga ay qaadanayaan dhalashada dalkan Canada.

Jason Kenny ayaa sheegay in aaney joogto noqotay in haweenka xidha niqaamku ay wejigooda oo qarsoon ay maraan dhaarta xiliga la qaadanayo  dhalashada dalkan Canada.

Wasiirka ayaa mar la weydiiyay in goaankiisani uu lidi ku yahay shuruucda Canada ee kafaalo qaadaya xoriyada Diimeed ayaa sheegay in niqaabku aheyn mid Diinta Islamku ay fareyso Haweenka in ay xidhaan.

Wasiirka ayaa sheegay in uu indhawaaleba helayay fariimo uga imanayay Mudeneyaal ka tirsan baarlamaanka Canada iyo qaar ka mid ah xaakimada guddoomiya xaflada qaadashada dhalashada Canada.

Mar wasiir Kenny la weydiiyay tirada Haweenka qaata Niqaamka ee sababay goaankan ayuu sheegay in aanu heyn tiro balse uu la socdo oo uu maqlay in dumar badani ay beryahan danbe Niqaam la soo xaadiraan xiliga dharinta.

Canada ayaa beryahan danbe ay hoos u dhacday dulqaadka loo leeyahay dhaqamadii kala duwanaa ee habsamida u wada noolaa.

 

Qurbejoog-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed