Cali WARRAN-CADDE Oo Sheegay In Somaliya U Diyaar-garoobayso Inay Somaliland Xoog Ku Muquuniso
Hargaysa 19. July 2017 (SDN/QJ):- La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Warran-Cadde oo safar ku jooga Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa soo saaray War-Saxaafadeed uu kaga digay Shirqool uu sheegay inay Soomaaliya u Maleegayso Somaliland.
War-Saxaafadeedka Cali Warran-cadde oo soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa u qornaa sidan “Waxaa Muuqata Inay Soomaaliya u diyaar-garoobays Sidii ay Hab Milletari iyo Xoog ugu soo Dabaali lahayd Somaliland waxay ugu yeedhaan Midnimada Soomaaliya. Somaliland iyo Soomaaliya waxay dunidu ku ogayd inay wada-hadal iyo nabad-gelyo ku dhamaystaan arrimaha siyaasadeed ee ka dhaxeeya.Hasa-yeeshee waxaa muuqata in maamulka Soomaaliya arrintaasi aanay u cuntamin oo ay ka doorbideen in is muquunin iyo xoog ku bedelaan wada-hadalkii oo imika in muddo ah ay ka caga jiidayeen.
Muddoooyinkan danbe hadallada Maamulka Soomaaliya waxaa kamida ahaa (in wax kasta oo ay kaliftaba ay u marayaan sidii Gobollada waqooyiga loogu soo celin lahaa midnimadii Soomaaliya) taasi oo macnaheedu yahay in maamulka Soomaaliya uu xoog isticmaali doono. Waxaanay hadda bilaabeen Faro-gelin toos ah oo aan Geedna loogu soo gabban, waxaanse u sheegayaa Maamulka Soomaaliya Iyo Xulafadooda u diyaar garoobay in ay Geeska Afrika Iyo Guud Ahaan Mandaqaddan ay ka huriyaan colaad cusub in aayo-xumida ka timaadda ay tunka u ridan doonaan. Ummada Reer Somalilandna waxaan ugu baaqayaa Midnimo iyo isku duubnaan iyo inay ka feejignaadaan cadowtinimada ay Maamulka Soomaaliya u maleegayaan Qaranka Somaliland.”
Cali Maxamed Waran-cadde
La Taliyaha Gaarka Ah Ee Madaxweynaha JSL
From: Abu Dubai UAE