“Cali Warancade Ilmo yar oo toban jira ayaa ka caqli badan, umadii Soomaaliyeed ayuu inagu diray, Gaafow baana Run Sheegaya Marka aan Cali Warancade Aqaan,ee Madaxweyne Xilka ka Qaad ” Muj. Cali Gurey DAAWO
Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa wasiirka Arrimaha gudaha somaliland Cali Warancade ku eedeeyay maamul Xumo iyo Lacag jaceyl uu la dhex joogo dalka.
Mujaahid Cali Gurey Waxaa uu Wasiirka ku tilmaamay shaqsi kasoo horjeeda horumarka Somaliland isagoo sidoo kalena sheegay inuu Cali Warancade Somaliland Nacsiiyay waddamada geeska Afrika
Guddoomiye Cali Gurey waxaa uu wasiir Warancade ku dhaliilay warqad dalwada Somaliya sheegtay inuu u diray laanta socdaalka Muqdisho, waxaanu sheegay inay ka suurtowda Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland qoritaanka warqadaasi
“Waan ka dabatagay sababtii Cali Warancade (Warqada u qoray) waxay noqotay Hunguri, ka uu u dhimanayo ee ilaa Xamar uu waraaqaha ugu qorayaana waxaa Hungurigaa, Gaafow ayaa run sheegaya marka uu dafiray Cali Warancade warqada uu u qoray, waan aqaanaa Cali Warancade Waxaas(Warqada la Qoray) iyo wax ka xunina way ka suurtoobaan” ayuu yidhi
Cali Gurey waxaa uu intaasi ku ladhey“Waad arkayseen waxaa lagu yidhi warqad buu noosoo qoray wixii uu telifishanada kaga hadlayay Annigu afkayga masoo marin karo, laakiin qofkaasaa masuul umadeed ah oo dalka u taliya, waliba wasaaradii xooga waynayd u taliya yaa is odhan karaya”
Cali Gurey Waxaa kale oo uu wasiirka Arrimaha gudaha tilmaamay shakhsi aan dalka Waxba u qaban balse la dhexjooga faan waxaanu yidhi “Wuxuu ku faanaa Somaliya ayaan necebahay,Muqdisho ayaan Necebahay, baastadaan necebahay, caqligiisa waxaa ku jira sida loo kala necebyahay Somaliya iyo Muqdisho, Cali Warancade Ilmo yar oo toban jira ayaa ka caqli badan, umadii Soomaaliyeed ayuu inagu diray, dadwalba uu inala colaysiiyey waxma taro, waa la innagu soo habaaray kan”
Mujaahid Cali Gurey waxaa uu baaq u diray madaxwaynaha Somaliland inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland “Madaxwayne Kan xilka ka qaad, ceeb bay kugu tahay adiga iyo umada Somaliland-ba in wasaarada arrimaha gudaha aad Cali Warancade u dhiibto, hadii kale gidaaradii uu cadcadeyn jiray u dhiib”ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey