“Cali Waran-caddow haddii lagu eryo adigu wasiirada waad ka baahi badan tahay, sababtoo ah adiga libaaxyaa kula socda oo kuwaasaanad waxbababa u helaynba,”Suldaan Maxamed Muuse
Hargeysa:Aug,07,2014(SDN/QJ)Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid salaadiinta Somaliland, ayaa si kulul u weeraray Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, isagoo sheegay inuu ku Hawllan yahay Burburin iyo kala furfurid dhinaca shacabka ah.
Suldaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Burco Hargeysa, ayaa wasiirka arrimaha ku eedeeyey inuu tallaabooyin qabyaaladaysan ku wado wax-garadka iyo Salaadiinta qaar ka mid ah Beelaha Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inuu isagu abaabul xooggan ku Hayo.
Suldaan Maxamed Muuse oo ka mid ah Waxgaradka sida weyn ugu hawllan sidii beelweynta Habar-magaado iskugu iman lahaayeen, isla-markaana shir ugu qabsan lahaa Somaliland dhexdeeda, ayaa tilmaamay inuu wasiir warancadde hadimo ka dhex wado.
Waxa uu suldaanku farriin culus u diray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, isagoo xusay inuu ka baahi badan yahay wasiirrada kale ee dhiggiisa ah,
“Qolada ina warancadde ku muusa-naabay ee shalay soo ururiyey, waxana odhan lahaa Caliyow haddii lagu eryo adigu wasiirada waad ka baahi badan tahay, sababtoo ah adiga libaaxyaa kula socda oo kuwaasaanad waxbababa u helaynba, adigana waxan ku odhan lahaa shaqadaada uun ku ekow oo reeraha muusowga iyo Tolla’ayda ka Daa.” Ayuu yidhi Suldaanku.
Suldaankan ayaa hadalkiisu daba socday Odayaal dhawaan ka hadlay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay ka dhan yihiin Shirka lagaga dhawaaqayo shirweyne ay Beelaha Habarmagaado iskugu yimaadaan, taas oo ay xukuumaddu sas weyn ka qabto oo aanay ogolayn inuu qabsoomo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com