|

Cali Waran-cadde oo ka dayriyay natiijada Shirka Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa, 17, June 2012 (Qurbejoog)- Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa ka dayriyay natiijada ka soo bixi doonta shirka dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya magaalada London ee cariga Ingiriiska.
Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in madaxda dawladda TFG-du aanay ahayn niman diyaar u ah in Somaliland dal madaxbanaan noqoto, isla markaana shirkan dhawaan la isugu imanayaa ay natiijadiisu noqonayso mid lagu sii kala fogaanayo. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii. “Waxa muuqata markaan maanta eego ragga meesha ee Shariifka iyo dawladda TFG-du inaanay ahayn niman diyaar u ah Somaliland Soomaaliya inay noqdaan labada dal oo walalo ah, waxaanan u arkaa shirkaa wax natiijo oo aan uur-xumo ahayni inaanay jirin.” Ayuu yidhi.
Laba dariiq ayay kala haynaa oo ka Somaliland waxa weeye inaynu helno ictiraaf taam ah, iyaguna waxay inoo haystaan ummad ay leeyihiin oo aan ka gu’I Karin oo aan masiir siyaasaddeed lahayn.” Ayuu raaciyay hadalkiisa Cali Waran-cadde.
Qurbejoog.com, Hargeisa

Comments are closed