Cali Sanyare Oo Ka Hadlay Shaambadii Uu Daahir Rayaale Ku Dhuftay Cali Warancadde Iyo Rajaddii Uu Ka Muujiyey In Udub Ku Soo Laabato Saaxadda Siyaasadda Ee Somaliland
Hargeysa 18.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii qorshaynta xukumaddii Udub ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin hogaaminayey Md Cali Ibraahin Maxamed(Cali Sanyare) , ayaa ka dareen celiyey soona dhaweeyey Raaligelin uu markii u horeysay uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin u diray Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo hore uu uga hor istaagay inay Xisbigii buruburay ee Udub ku wareejiyo si ay murashaxiin uga noqdaan, waxaanu Cali Sanyare ku tilmaamay hadalka Rayaale mid kala bobsiin doono cid kasta oo wax kala tabaneysay.
Md Cali Ibraahin Maxamed (Cali Sanyare), ayaa shalay isaga oo Wareysi kooban oo uu Wargeyska Saxansaxo uu Su’aalo kaga weydiiyey isaga oo Hargeysa bal aragtidiisa iyo waxa uga baxay hadalkii Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin oo dalka mudo dheer ka dib ku soo laabtay uu kagaga hadlay Burburkii Xisbigii Udub ee Saaxadda Siyaasadda ka baxay, eedeymo uu Warancadde u jeediyey iyo rajo uu sheegay in uu ka qabo soo laabashadda Xisbigii Udub oo Rayaale sheegay in uu mar kale Saaxadda Siyaasadda ee Somaliland ku soo noqon doono.,
Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo ugu horeyn ka jawaabayey bal sida uu u arko hadalka Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Rayaale uu mudo 5 sanno ka dib ah kaga hadlay Burburkii Xisbigii Udub waxa uu kaga jawaabay “Walaahi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale waa kii arintaasi ka hadlay (Cidii iska la heyd in Xisbigii Udub Saaxadda Siyaasadda ka baxay) ee dhameeyey ee in lays cafiyana ku baaqay ,si kasta ha ahaate arintaasi waxay u eeg tahay mid imika dhamaatay, oo cidii wax gocaneysay oo dhamina ay imika soo jawaabeen (Murashax Jamaal Cali Xuseen) oo lays wada saamaxay oo laysku wada beer xaadhnaaday , marka in boog jirtay la soo yara qodo ma jiri doonto oo imika way dhamaatay oo sida uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale yidhi ayeyna ku dhamaatay ee dadkii kale ee wax tabanaayeyna qaateen arintana qol-yihiina Jaraa’idku waxba ha faq faqina ee halkeeda ku joojiya oo iska ilaawa”
Md Cali Sanyare oo ka jawaabayey su’aal u dhigneyd “adigu ma ku taageersan tahay in eedahay uu Daahir Rayaale u jeediyey Warancadde ee ah in uu isagu Xisbigii UDUB burburiyey oo nin bilaa Han ah ahaa ? waxa uu kaga jawaabay “Waxay ila tahay Adeer waxaad dooneysa in aad boogtii xoqdid (Wariyaha) arinta kula qaadan maayo ee waxba ha xogin , yaan waxba la sii daba gelin oo la taataaban ayaan ku talinlahaa anigu ee sida uu madaxweynuhu ku taliyey ayey ku dhamaatay , waana lays cafiyey raaligelina waa layska siiyey marka arintaasi sidaasi ayey ku dhamaatay dadkina way kala bogsadeen oo qofkii caloosha waxku hayey waa kaas sheegay marka arintu sida haynoogu dhamaato ee qod qodka ka daaya”
Ugu dambeyntii su’aal kale oo aheyd bal in uu la qabo rajo in Xisbigii Udubu uu saaxadda Siyaasadda ee Somaliland mar kale ku soo noqon doono oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Md Daahir Riyaale ka dhawaajiyey waxa uu kaga jawaabay Cali Sanyare “Horta deer dadkii ama Siyaasiyiintii Xisbiga Udub meel walba way ku jiraan oo waxa uu ahaa Xisbiga ugu salbalaadhan ee aanu qabiil la heyn waxaanu ahaa Xisbi qaran waana laga wada buuxa oo meel walba waa loogu jira waana laga yaaba in ileen Axsaabtani mudo ayey leeyihiine in hadana loo tartamo, hadii la helo cid xisbiga dib u soo celisa waxa laga yaaba in uu soo baxo oo halkiisii ku soo noqdo wax kow la yidhaahdaana waa berito uun”