|

Cali Sanyare oo ka faalooday xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland(DHEGEYSO PRT3)

Geneva Feb 13,2015(SDN/QJ)-Waxaanu bishii Janawari ee sandakan la-yeelanay  wareysi dheer,Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali -Sanyare) , oo ahaan jiray Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ah ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale ,oo dhinacyo badan ka taabtay xaalada hadda somaliland ku sugantahay.  Wareysigaas oo taxana ah wuxuu maqalkiisa iyo daabacaadiisuba soo baxeen 30 kii Janwari 20015.

Wuxuu Qeybtii KOWAAD ee WAREYSIGA uu Wasiir Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee,uu  isagu weli  ku jiro saaxada  siyaaasadda. Wuxuu bulshada u iftiimyey ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu caddeeyey in qabanqaabada iyo qabashada doorashadu dusha ka saarantahay xukuumadda joogta. Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka.

HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE QEYBTIISA 1AAD

Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB  sanadkii 20010ka iyo guuxa u eeg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE  ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo. Wuxuu ku qotomiyey saadaalinta labaatan qodob oo hadda bulshadu,si weyn, uga biyo-diidantahay.

HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO QEYBTA2AAD EE WARESIGA CALI SANYARE

Wareysiyada taxanaha ah ee kale waxay soo bixi doonaan todobaad walba maalinta Jimcaha . Waxaanay socon doonaan ila 13ka Maars, 20015ka. Waxay  soo kala  bixi doonaan wakhtiyada hoos ku qoran:

Qeybta sadexaad ee todobaadkan Waxay qaybtani ka faaloon doonta xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir  Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Weber.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/san3.mp3″]

HALKAN KA DHEGEYSO QEYBTII SADEXAAD EE WAREYSIGII TAXANAHA AHAA EE CALI SANYARE

Comments are closed