|

Cali Sabarey Oo U Dulqaadan waayey Duurka iyo Dabaysha, Isuna Dhiibay Maamul-Goboleedka Puntland.

Garowe:July,04,2014(SDN/QJ)-Kornayl Cali Sabarey oo sheegan jirey Saraakiisha sarsare ee Kooxda Haatan talax gabtay ee Khaatumo, isla-markaana muddo Bilk u dhaw duurka deegaanka Saax-dheer kula jirey Hadhaaga Khaatumo, ayaa la sheegayaa inuu Isu dhiibay Maamulka Puntland.

cali sabareyWararka Halkaas naga soo gaadhaya ayaa sheegay in cali sabarey uu sheegay inuu ka hadhay fallaagonimadii, isla-markaana uu diyaar u yahay inuu maamulkaas la shaqeeyo waxna ku darsado, waxana taas soo dhaweeyey maamulka Puntland.

Waxay ay wararku intaas ku darayaan in Cali sabarey loo magacaabi doono Xil sare oo xagga Ciidamada ah, inkastoo aanay Puntland warkaas si ramsi ah u xaqiininin.

Hadhaaga kooxda Khaatumo oo haatan duurka ku jirta ayaa u muuqata kuwo runta soo taabtay, isla-markaana xaqiiqdasaday inaanay Noloshu ku siii socon Karin nidaamka ay wax u wadaan.

Hore waxa maamulkaas uga baxay rag badan oo deeganadaas qiime ku  lahaa, kuwaas oo haatan ku jira Somaliland iyo Puntland, isla-markaana la qabsaday qiimaha dawladnimada iyo Hannaanka Dunida looga dhaqmo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed