|

Cali-marreexaan Guul-wadeytiisu Gaadhsiisay Inuu Go’aankii Maxkamadda ku Sheego Mid Lagu Sharciyeeyey Muddo-kordhintii Guurtida Ee Muranku Ka Taagnaa

Hargeysa:Jully,24,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan)oo kamid ah Xubnaha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye, ayaa fasiraad isaga u gaar ah oo aan cid kale la arkayn ka bixiyey qaraarkii maalintii shalay Maxkamadda Sare kasoo saartay murankii ka taagnaa Shirkii talo-qaran ee Axsaabta Mucaaridka iyo madasha wada-tashigu ku baaqeen.

mareexaanXildhibaanka oo  kamid ah xubnaha ugu muxaafidsan Golaha Wakiillada, isla-markaana Gacan weyn ka geysta Go’aammada Madaxtooyada qaarkood, ayaa qoraal uu Bartiisa Face-book-gga soo dhigay ku sheegay in Qaraarkaasi si cad u muujiyey in Go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Golaha Wakiillada iyo xukuumaddu uu yahay mid sharci ah oo lama taabtaan ah.

Qoraalka Xildhibaanka, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:

“Markii aan akhriyey go’aanka maxkamada dastuuriga ah waxaa iiga soo baxday in ay maxkamadu xoojisay go’aankii mudo kordhinta guurtida taas oo aanay malaha fahmin dadka qaar.

Waayo waxaa go’aanka ku cad in ay dalka ka jiraan golayaal qaran (xeer dejin, garsoor iyo fulin dhaqan gal ah kuwaas ayuunbaana dalka shir qaran ka qaban kara.

Hadaba ereyga Golayaal dhaqangal ah ee maxkamadu adeegsatay wuxuu si cad u muujinayaa in aan sharcinimadooda muran ku jirin taas oo Golaha wakiilada, Guurtida iyo madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisuba ay ku fadhiyaan go’aankii muddo kordhinta guurtida. Maxkamadu waxay go’aamisay in ay golayaashu yihiin sharci dhaqan gal ah.

Hadaba xisbiyada mucaaradku ma odhankaraan golayaashu waxay ku fadhiyaan sharci daro haddii ay yidhaahdaana waa gef sharci oo ay mar labaad galeen.

Waxa kale oo maxkamadu kala xadaysay wixii heer qaran ah oo ay awoodooda iska leeyihiin golayaasha qaranka iyo wixii heer xisbi ah oo ay xisbiyadu u madaxbanaan yihiin. Xisbiyada go’aamadoodu waxay gaar u yihiin xisbiga gudihiisa laakiin qaranka laguma dabaqo.

Tusaale, dastuurada ay xisbiyadu samaystaan waxaa uu gaar u yahay xisbiga samaystay laakiin xeerka ay golayaashu soo saaraan waxaa lagu dhaqayaa qaranka oo dhan.

Sidoo kale shirarka ay xisbi ama xisbiyo qabsadaan waxay soo saari karaan wax ku sargo’an awoodaha heer xisbi ee sharcigu u jideeyey.

Sidaa darteed xisbiyada mucaaradku waa in aanay soo dhaafin xayndaabkooda sharci iyagana waa in la dhawraa xuquuqdooda. sharcigu siiyey.” Ayuu xildhibaanku Qoraalka uu fikirkiisa ku sharraxay kusoo afmeeray.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed